Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Hawlaha Guud Ee Puntland Oo Kala Saxiixday Heshiis Dhan $7.4 Milyan

Published: August 1, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday heshiiska dayactirka wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday wasaaradda maaliyadda oo bixinayso lacagta iyo wasaaradda howlaha guud iyo gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

  • Juurile- Boosaaso
  • Qardho – Garoowe
  • Garoowe- Brita dheer
  • Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *