Madaxweyne Deni oo laga codsaday in uu soo gudbiyo Liiska Musharixiinta

Published: August 3, 2021

Guddiga Doorashooyinka Heer Puntland ayaa Warqad codsi ah u diray Madaxweynaha Puntland taasoo kusaabsan in uu u soo gudbiyo liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Warqadda ayay Guddigu ku xuseen in la joogo wakhtigii lagu heshiiyay in la qabto Doorashada Senetarada Aqalka Sare ayna ka codsanayaan Madaxweyne Deni soo gudbinta liiska Musharixiinta.

Doorashada Senetarada Aqalka Sare ayaa ka bilaabatay Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaana la filayaa in Maamulada harsan dhawaan laga bilaabo.

sida aan ilo xog ogaal ah kasoo xiganay Madaxweyne Deni ayaa Arbacada beri ah soo saari doona Liiska musharixiinta u tartami doona kuraasta Aqalka Sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *