Fiqi oo shacabka Galmudug ugu baaqay inay AlShabaabka baxsadka ah hubka ka qaataan

Published: August 4, 2021

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah argagixisada looga xoreynayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor, isla markaana iminkaga laga gaaray guulo muhiim ah kadib markii lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ay bulshada ku dhibaateyn jireen.

Mudane Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in magaalada Camaara laga soo galay dhowr jiho, taasi oo keentay in ay ka firxadaan dhagarqabayaasha magaalada Camaara, haatanna ay sii wadayaan dagaalka lagu jiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

…Waxaan rabaa inaan ugu bishaareeyo Hooyooyinkii arigooda ugu tabarucayay, kuwii raashinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelaha kale ka keenayay, Culimadii nala shaqeysay in dadkii shuhadada ee aan dhiigooda meel cidlo ah ku dhammaan in natiijo wax ku ool ah laga gaaray, cadowgiina uu dhabarka jeediyay, laguna sii socon doono…”

Wasiir Fiqi

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shacabka iyo Madaxda uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka inay cadowga ka reebtaan waxkasta oo ay sitaan, maadaama ay yihiin dad naf lacaari ah oo walwal badan ku dhuumaaleysanaya meelo yar, ayna ku bixi doonaan gacanta ciidamada qalabka sida.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *