Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi Oo Guddoon Dooranaya

Published: August 4, 2021

Guddiga doorashaooyinka Gobolada Waqooyi ayaa sheegay inay dhowaan iska dhex dooran doonaan guddoonkii hogaamin lahaa, xili khilaaf uu ka jiro arrimaha doorashada ee gobolada waqooyi.

War qoraal oo kasoo baxay Guddiga doorashaooyinka Gobolada Waqooyi ayaa lagu shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga, taasoo dhici doonta 7da bishan Ogosto oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Raysal wasaare Rooble oo shalay kulan la yeeshay labada garab ee guddigan isku haya ayaa ku wargaliyey Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda, walow la sheegayo in aan weli la xalin cabashadii ay qabeen xubnaha garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *