Rooble oo aaladda fogaan aragga kula shiray Madaxda Dowlad Gobaleedyadda

Published: August 4, 2021

Kulan fogaan arag ah oo ay xalay yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Dowlad Gobaleedyada ayaa taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaruhu oo shalay kulan la yeeshay labada garab ee guddigan isku haya ayaa ku wargaliyey Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda, walow la sheegayo in aan weli la xalin cabashadii ay qabeen xubnaha garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *