Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixiyey Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Published: August 5, 2021

Kalfadhiga 3-aad ee golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo khamiis ah ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaasi, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo Xildhibaanadu ay ka doodeen Ajendayaal la horkeenay.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa:

1. Furitaanka Kalfadhiga 3aad.
2. Ansixinta Jadwal-Hawleedka Kalfadhiga 3aad.
3. Soo Bandhigida Jadwalka doorashada Aqalka Sare ee BJFS.

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo shir guddoominayey fadhigii maanta ayaa si rasmi ah u furay kulanka waxaana uu Xildhibaanada u sharraxay hawlaha Baarlamaanka iyo qorshayaasha u hirgalay iyo kuwa hadda ay doonayaan in la gorfeeyo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyay Guddiga Doorashada aqalka sare ee uu soo magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *