Guddiga Doorashada G/Waqooyi Ee Garabka Cabdi Xaashi Oo Guddoon Doortay

Published: August 7, 2021
Guddiga Doorashada G/Waqooyi ee Garabka Cabdi Xaashi

Guddiga doorashada Somaliland ee garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhoweyd Guddoon ku doortay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi oo ka kooban 4-xubnood ayaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland u doortay inuu noqdo Suleyman Caydiid Cismaan, halka ku-xigeenka loo doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadan ay isku doorteen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi ayaa kusoo aaday, iyada oo duhurnimadii Maanta Guddiga doorashada Somaliland garabka Mahdi Guuleed ay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa ku doorteen Teendhada Afisyooni.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa loo doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale, waxaana doorashada ka qeyb ahaa saddexda xubnood ee Guddiga ee uu soo magacaabay RW Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *