Puntland: ” Waxay bogaadinaysaa hogaaminta dalka ee Raysalwasaare Rooble”

Published: August 8, 2021

Dowlada Puntland ayaa taageertay hogaaminta dalka ee Raysalwasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, xili uu qaadacay wareegto lagu hakiyey heshiisyada hay’adaha fulinta Soomaaliya.

War kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu bogaadiyey hogaaminta Rooble ee arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan xiliga kala guurka iyo doorashooyinka.

“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Xuseen Rooble, hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka”

Qoraalka madaxtooyada Puntland

Raysal Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaafkii kadib markii raysalwasaaruhu ka horyimid wareegto uu Farmaajo ku hakiyey heshiisyada hay’adaha fulinta dalku la galayaan dalalka shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah inta ay socdaan doorashooyinku.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *