Doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee Puntland

Published: August 11, 2021

Waxaa saaka oo Arbaca ah xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ka dhacday doorashada murashaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

22 Murashax ayaa u tartamey 11ka kursi kuwaasi oo ay u codeyn doonaan 66ka xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland. Qaar badan oo kamid ah murashaxiinta ayaa tartanka isaga baxay taas oo u fududeysay in ay soo baxaan xubnihii la filayey.

Xildhibaanada loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala ah:

1- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole)

2-Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab)

3-Maxamed cabdi cisman (Majiino)

4-Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade)

5-Cabdisamad Yusuf Maxamed (Abwaan)

6-Daahir Ayaanle Saciid

7-Farxaan Cali Xuseen

8-Saynab Ismacil Maxamed

9-Abdiqani Geele Maxamed

10-Samiro Maxamuud Xaaji Cawad

11-Sareedo Maxamed Xasan

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *