Magacyadda Murashaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug oo la shaaciyey

Published: August 11, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shaaciyey murashaxiinta u tartami doona 6 kamid ah kuraasta Galmudug ay ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Khamiista soo socota ee 12ka bishan Agoosto ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada kuraastan la shaaciyey. Waxaase weli la shaacin murashaxiinta u tartami doonta 2 kursi oo uu mid kamid ah si weyn ugu loolamayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug, Cabdi Qeybdiid oo horey senator u ahaa iyo Xaaf oo ah Madaxweynihii xilka ku wareejiyey Axmed Qoor Qoor.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *