Booliiska Burtinle oo xiray dad ka ganacsada Khamriga

Published: August 12, 2021

Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay Khamri aad u farabadan iyo dadkii watay, kuwaasi lagu soo qabtay Howgallo qorsheysan oo ay Ciidanku ka sameeyeen Degmadaasi.

Khamrigaasi ay soo bandhigeen Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa ahaa in ka badan 570 dhalo, waxaan sidoo kale lasoo bandhigay afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya.

Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) oo warbaahinta la hadalaya yaa ka warbixiyay khamriga ay gacanta kusoo dhigeen.

Hawlgalka waxa lagu qabtay 576 dhalo oo khamri ah iyo afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya. Iska caabin ayay sameeyeen, waana ku guulaysanay in aan qabanno” ayuu yiri Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig).

Wuxuu sidoo kale sheegay in khamrigan iyo dadkii watay ee ay Garsoorka hor-gayn doonaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *