Isbaheysiga Oromada iyo Tigreyga ee la dagaalanka Abiy Ahmed

Published: August 12, 2021

Hogaamiyaha Jamhada Oromada ee OLA, Kumsa Diriba ayaa xaqiijiyey inay isbaheysi la sameysteen ciidamada Tigreyga ee la dagaalamaya dowlada Federaalka ee Abiy Ahmed.

Kumsa Diriba oo Arbacadii shalay wareysi siiyey wakaalada AP ayaa sheegay in heshiiska isbaheysiga lagu sameeyey uu dhacay asbuucyo kahor isla markaana uu ahaa codsi uga yimid dhinaca Tigreyga.

Waxaa ku heshiinay inaan xukunka ka tuurno xukuumada Abiy Ahmed, oo awood ciidan u adeegsano waana luuqada kaliya oo uu fahmi karo Taliska Abiy…ayuu yiri hogaamiyaha Oromo Liberation Army.

Kooxda OLA ayaa bilihii lasoo dhaafay la wareegtay dhul badan oo ku yaal koonfurta iyo Galbeedka dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada, waana Jamhad ka go’aday OLF.

Hogaamiyaha kooxda OLA ayaa sheegay in xogta militari isdhaafsadaan Tigreyga isla markaana wada sameytaan qorshe duulaan oo ay ku mideysan yihiin, walow uu sheegay in labada ciidan aysan isdhexgelin oo qoloba dhankeeda ka dagaalanto.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hada socdo wadahadalo kale oo la doonayo inay isbaheysiga kusoo biiraan kooxo kale oo hubeysan ee ka jira gudaha dalkaasi Itoobiya.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo culeys weyn xiligan kala kulmaya xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda ayaa todobaadkan ugu baaqay shacabka dagaalami kara inay ka qeyb qaataan dagaalka ka socda Gobalka Tigrey, xili uu wajahayo kacdoonka kale ee ka jira gudaha qawmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *