NIGER: 15 qof lagu dilay weerar argagaxiso

Published: August 12, 2021

Dowlada Niger ayaa sheegtay in Arbacadii shalay ugu yaraan 15 qof ku dhinteen weerar ay kooxo argagaxiso ah ku qaadeen deegaanka Banibangou ee galbeedka dalka Niger.

Deegaanka Banibangou ayaa saaran xaduuda Niger la wadaagto dalka Mali, waxaana horey halkaasi uga dhacay weeraro ay kooxo hubeysan la beegsadeen dad rayidka ah ee dhulkaasi ku dhaqan.

Dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Luulyo ayey maleeshiyaad isla deegaankaasi ku dileen 33 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *