Afghanistan: Talibanka oo qabsaday Caasimada 2aad ee Kandahar

Published: August 13, 2021

Kooxda Talibanka Afghanistan ayaa maanta oo Jimce ah shaaciyey inay la wareegeen guud ahaan magaalada Kandahar oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Afghanistan.

Xoogaga Talibanka ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay afarta jiho weerar uga waday magaalada Kandahar oo ku taal koonfurta dalkaasi ahna halkii lagu aasaasay kooxda Talibanka, magaaladaasi oo ahmiyad gaar ah u lahayd kooxdan oo maalmihii lasoo dhaafay dowlada ka qabsaday magaalooyin badan.

Talibanka ayaa khamiistii shalay qabsaday magaalada 3aad ee ugu weyn dalkaasi ee Herat iyo magaalada Ghanzi oo ah caasimad-gobaleed u jirta 130km caasimada wadankaasi ee Kabul.

Waxaana hada la saadaalinayaa in Talibanka ay duulaankooda ugu danbeeya la beegsan doonaan magaalo madaxda Kabul.

Maraykanka iyo UK ayaa ciidamo ka badan 3 kun oo askari maanta geeyey magaalada Kabul si ay halkaasi uga daadgureeyaan shaqaalahooda safaaradaha ay halkaasi ku leeyihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *