Madaxweyne Dani oo casho sharaf u sameeyay gudiyada doorashada iyo xubnaha cusub ee Aqalka Sare

Published: August 13, 2021

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay casho sharaf xarunta madaxtooyada ee Garowe ugu sameeyay guddiga doorashadda heer Federaal kan dowlad goboledka ee Puntland iyo 11-ka mudane ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee DFS.

Kulankan waxaa kaloo ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *