Rooble oo Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay xarunta Safaaradda Nairobi

Published: August 13, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaa;la Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo mar dhow ay dib u dhis ku sameysay Dowladda Soomaaliy,  halkaas oo uu kula hadlay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay ixtiraam kula noolaadaan dadka reer Kenya ee soo dhaweeyay, ugana shaqeystaan si nabadgelyo ah.

Kaliya waxaan rabaa inaan is xasuusino oo aan iskula dar daarano, waxaan joognaa Wadanka dariska ah ee Kenya oo si wanaagsan idin soo dhaweeyay oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee Geeska Afrika, ixtiraam ayaa la idinku leeyahay, u ilaaliya dalkan sida dalkiina oo kale, uga shaqeysta sida dalkiina oo kale, Laakiin aniga waxaan jeclahay inaad ii soo duceysaan oo aan dalka doorasho xor iyo xalaal ah geliyo…” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *