Soomaaliya oo deeq tallaalka COVID-19 kala wareegtay Mareykanka

Published: August 13, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa keentay dalka Soomaaliya talaalka Covid19 oo gaaraya 302,400 kaasi oo ah nooca Johnson & Johnson.

Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka, iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa COVID-19.

Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 ayaa ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabtay markii 3aad.  Sida kaliya ee loo joojin karo faafitaanka caabuqani ay tahay in la tallaalo dadweynaha.

Wasaaraddda Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, iyadoo Wasaaradda ay ugu baaqday dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.

Talaalka Johnson & Johnson ayaa ah mid qofka halmar qaadanayo, halka talaalada kale loo baahan yahay qof walba in la talaalo laba goor.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *