UNta oo soo dhaweysay dadaalka Rooble ee doorashada Soomaaliya

Published: August 13, 2021

James Swan ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa kulankii khamiistii shalay Golaha Amaan ka yeeshay xaalada Soomaaliya ka sheegay in horumar badan laga sameeyey dhinaca qabashada doorashada Soomaaliya ee horey dib u dhac ugu yimid.

Ambassador Swan ayaa bogaadiyey heshiiskii 27kii May dhexmaray Raysalwasaaraha Xukuumada Federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo dowlad gobaleedyada iyo dadaalada uu hada wado Raysalwasaaraha.

James Swan ayaa sheegay in loo baahan yahay Golaha wadatashiga ee saxiixay heshiiskii 27kii May inay sii wadaan dadaalkooda si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo, wuxuuna soo dhaweeyey doorashadii Xildhibaanadii ugu horeeyey ee Aqalka Sare.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay weli in gacan laga siiyo dhanka amaanka iyo sidii looga hortagi lahaa kooxda Al Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *