RW Rooble Oo La Kulmay Wakiilka UNHCR Ee Soomaaliya

Published: August 15, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisee.

Kulanka dhexmaray Raysal Wasaare Rooble iyo Magatte Guisee ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo kamid yihiin caawinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabanaya ee imaanaya gudaha dalka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sidii xal waara loogu heli lahaa dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo caawinta qoxootiga shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR uga mahadceliyay taageerada kala duwan oo ay siiso dowladda Federaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *