Galmudug oo sheegtay in ay la wareegtay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Alshabaab

Published: August 16, 2021

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa maantay la wareegay Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ay ku lahaayeen aagga degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Saldhigyadan ay ciidanku la wareegeen ayaa Alshabaab ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada ay ku waxyeeleyaan Shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Galmudug.

Ciidanka la wareegay goobahaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidanka ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale waxaana dagaal kooban oo halkaas ku dhex maray Ciidamada Daraawiishta iyo Al-shabaab Khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, iyadoo dhamaan la burburiyay Saldhigyadii halkaas ay ku lahaayeen.

Saraakiisha hogaaminaysa Howlgalkaan ayaa xaqiijiyay inaysan jiri qasaare Ciidamada ka soo gaaray howlgalka isla markaana ay ku guulaysteen qorshihii Howlgalka.

Howlgalkaan la wareegista Ciidanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Xooggaga Alshabaab ay maalin ka hor weer fool ka fool ah ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka ku leeyihiin duleedka degmada Cadaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *