Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray Waddo cusub oo laami ah

Published: August 16, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Waddo cusub oo laami ah taasoo laga hirgeliyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wadadan xarigga laga jaray ee NECSOM ayaa isku xiraysa Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland.

Kharashka ku baxay wadadan ayaa waxaa dhammaantiis bixisay Dowladda Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *