Midowga Musharixiinta: “Waa in Soo Xulista Ergada loo daayaa Odayaasha Dhaqanka

Published: August 16, 2021

Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa warmurtiyeed kasoo saaray shir sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho.

Warmuriyeedka oo ka koobnaa 4 qodob ayaa walaac looga muujiyay hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Aqalka Sare iyadoo ay soo saareen qodobo ku saabsan habka loo wajahayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kaalinta Dowlad Goboleedyada.

Qodobada kasoo baxay Warmurtiyeedka waxaa kamid ah in soo xulista Ergooyinka Doorashada Xildhibaanada loo daayo Odayaasha dhaqanka rasmiga iyadoo dowlad goboleedyada ay kaalintoodu ku ekaato fududeyn oo kaliya.

Sidoo kale Qodobada kasoo baxay Warmurtiyeedka ayaa waxaa kamid in amniga doorashada ay sugaan Booliska Federaalka, kan maamul-goboleedka iyo Amisom.

Hadaba Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka oo dhameystiran

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *