Puntland oo fartay shaqaalaha Hay’adaha iyo Shirkadaaha ganacsiga qaadashada Talaalka Covid19

Published: August 16, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa siwada jir ah u soo saaray go’aan la xiriira in Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiga in ay qaataan Talaalka Covid19,xilli uu dib u soo laba kacleeyay cudurka safmarka ah ee Covid19.

Amarkan ayaa looga gon leeyahay xakamaynta Caabuqa Corona Virus waxaana la faray dhamaan cidda ay khusayso go aanadan in ka hor qaadashada Talaalka ay hubiyaan badqabkooda caafimaad.

Hoos ka akhriso go’aanka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *