Ra’iisul Wasaare Rooble oo u amba baxay Masar

Published: August 16, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa goordhaweyd u anbabaxay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Alsiisi waxaana yeelan doonaan kulamo wadahadal ah.

xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hoos u dhac uu ku yimid tan iyo wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya ay dhex dhexaad ka noqotay khilaafka wadamada Khaliijka hase ahaatee la aaminsan yahay in ay xulufo la noqotay dowladda Qadar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *