Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ugu baaqay Dowlad goboleedyada in ay…

Published: August 17, 2021

Warsaxaafadeed kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa loogu baaqay Dowlad Goboleedyada aan wali soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay xil weyn iska saaraan qabashada Xubnaha Doorashada Aqalka Sare si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan dawlad sharci ku dhisan islamarkaana matasha doonista shacabkeeda.

“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaraan fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, kaasi oo lagu soo doortay saddexda xubnood ee Aqalka Sare uga harsanaa Koonfur Galbeed.

Doorashada Kuraasta Senetarada Gobolada Waqooyi iyo Hirshabeelle ayaa ah xubnaha weli la qaban doorashadooda iyadoo Maamulada Galmudug iyo Jubaland ay dhankooda soo dhameystirin Xubnaha ku matalaya Aqalka Sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *