Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley oo Qarax Miino lagu dilay

Published: August 17, 2021

Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Afrax ayaa lagu dilay Qarax Miino oo lala beegsaday duhurnimadii maanta.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Garabaaley waxaana sidoo kale ku geeriyooday qaar kamid ah ilaaladii la socotay gudoomiyaha geeriyooday.

Marxuumka Qaraxa lala beegsaday ayaa labo bilood ka hor loo magacaabay xilka Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley.

Bishii May ee isla sanadkan ayay ahayd markii sidan oo kale qarax lagu dilay guddoomiyihii ka horeeyay C/raxmaan Garyare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *