Laftagareen oo Casuumay Senetarada Aqalka Sare ee dhawaan lagu doortay Baydhabo

Published: August 17, 2021

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xaflad u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Xubnaha loo doortay Aqalka Sare.

Xaflada ayaa isugu jirtay Mahadcelinta Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo soo dhaweynta Xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ay doorteen xildhibaanada Koofur Galbeed.

Xaflada oo si qurux badan u dhacday ayuu Madaxweyne Laftagareen ugu hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee aqalka sare loo doortay asagoo sidoo kale uga mahadceliyey xildhibaanad Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shaqadii adkeyd ee ay qabteen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *