Maxay kawada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhiggiisa Masar

Published: August 17, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Masar iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal, iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay wadanka Masar waxa uu sidoo kale kulan la qaadan doonaa Madaxweyne Abdifatah Al-siisi iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Qaahira.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *