Safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Published: August 17, 2021

Danjiraha Cusub  ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacawday Boqortooyada Sacuudiga ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalkaas.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Intaa kadib Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal aya yeeshay kulan gaar ah waxaa ayna  uga wada hadleen sii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Danjire Saalim Macow ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *