AU oo Guddi qiimeynaya Ciidanka SNA u soo dirtay Muqdisho

Published: August 18, 2021

Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo diray Guddi qiimeynaya Cududa iyo awoodda ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u yeelan karaan la wareegista masuuliyadda Amni ee dalka.

Guddigan oo Midowga Afrika u qaabilsan Amniga iyo nabadgelyada Africa ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana kulamo ay maalmahan la qaadan doonaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda gaar ahaan kuwa amaanka si qiimeyn loogu sameeyo in Ciidanka SNA ay u diyaarsan yihiin in ay howlaha amaanka si buuxda ugala wareegaan AMISOM.

Warbixin dhawaan kasoo baxday Midowga Afrika ayaa lagu qeexay in weli Ciidanka AMISOM ay muhiin u yihiin sii joogista Soomaaliya ayna xiligan Ciidanka Xoogga Dalka u diyaarsanayn in ay howlaha amni kala wareegaan AMISOM hase ahaatee Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay warbixintaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa dhaqaale badan ku hela joogitaanka Soomaaliya, waxaana horaantii sanadkan muddo hal sano ah loogu kordhiyay howlgalka ay ku joogaan dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *