Hogaamiyihii Siyaasada Talibanka oo dib ugu noqday Afghanistan

Published: August 18, 2021

Mullah Abdul Ghani oo kamid ah aasaasayaashii kooxda Talibanka ahna hogaamiyaha sare ee siyaasada kooxdaasi oo muddo 10 sano ah qurbaha ku nool ayaa xalay saqdii dhexe dib ugu noqday wadanka Afghanistan.

Mullah Abdul oo muddooyinkii danbe ku noolaa dalka Qatar ayaa xalay ka degay magaalada Kandahar ee caasimada labaad ee wadanka Afghanistaan, ahna magaaladii laga aasaasay kooxda Talibanka.

Hogaamiyahan ayaa kamid ahaa saxiixayaashii heshiiskii sanadkii hore magaalada Doha ku dhexmaray Maraykanka iyo Talibanka.

Talibanka oo todobaadkan la wareegay guud ahaan magaalooyinka waaweyn iyo caasimada Afghanistan ayaa laga sugayaa inay soo dhisaan maamul cusub.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa sida Talibanka ugu heshiiyaan dhexdooda hogaanka cusub ee dowlada Afghanistan maadaama kooxda Talibanka ay ka kooban yihiin kooxo badan oo kasoo kala jeeda qabaa’ilka dalkaasi.

Dhinaca kale waxaa weli ka socota magaalada Kabul, daadgureynta dadka ajaanibta ah ee magaaladaasi ku sugnaa, waxaana magaalada ka duulay diyaarado ka kala yimid Maraykanka, UK, Germany, France iyo India oo lagu qaaday diblumaasiyiintii dalalkaasi ka joogay magaalada Kabul.

Dalalka reer Galbeedka ayaa sidoo kale horey u qaaday kumanaan reer Afghanistan ah oo ay ku jiraan qoysaska dadkii lasoo shaqeeyey safaaradaha iyo ciidamada dalalka xubnaha ka ah isbaheysigii NATO.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *