Kala qeybsanaan soo kala dhex gashay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal

Published: August 18, 2021

Kala qeybsanaan xoog leh ayaa soo kala dhex gashay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,xubno kamid ah Guddiga ayaana kasoo horjeestay habraacii Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee shalay soo baxay.

xubnaha ayaa sheegay in aan la isku raacsaneyn habraacii ka soo baxay Guddiga doorashooyinka iyagoona tibaaxay in habraacan ay sidoo kale kasoo horjeedaan Guddiyada doorashadooyinka Heer dowlad Goboleed.

Waxa ay nasiib darro ku tilmaameen in Gudoomiyaha iyo xubno kamid ah Guddiga ay faafiyeen habraaca doorashada oo ay sheegeen in lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada dalka isla mrkaana looga hordhacayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo Muqdisho.

Hoos ka ka akhriso bayaanka ay soo saareen

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *