Kooxo hubeysan oo dilay Gudoomiyihii Degmada Balidhidin ee gobolka Bari

Published: August 18, 2021

Gudoomiyihii degmada Balidhidin ee gobolka Bari Maxamad Axmad Muumin ayaa lagu dilay weerar ay geysteen kooxo hubeysan habeenimadii khamiista soogaleysay.

Wararka aan ka helayno deegaanka ayaa sheegaya in gudoomiyaha iyo dad shacab ah lagu weeraray goob ay bulshadu isugu yimaadaan iyadoona ka sokow dilka Marxuumka ay jiraan khasaare soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa goobta.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Daacish iyo Ciidamada Puntland ay ku dagaalameen deegaamada buuraleyda ah ee hoos taga Ballidhidin, iyadoo hub iyo goobihii ay ku dhuumaaleysan jireen kooxdaasi xagjirka ah ay la wareegeen ciidamada dowlada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *