Rooble oo la kulmay Sheekha Al Azhar Dr Ahmed iyo Deeqda Waxbarasho oo sare loo qaaday

Published: August 18, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Sheekha Al Azhar Dr. Axmed Altayib oo uga mahadceliyay doorka Al-Azhar ee faafinta fahamka saxda ah ee diinteenna suubban, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay kordhinta fursadaha Waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku casuumay Shiikha Al-Azhar inuu soo booqdo Soomaaliya, isagoo sheegay inay imaanshihiisa farxad weyn u noqon doonto dadka Soomaaliyeed.

Shiikh Al-Azhar ayaa ballan qaaday in la kordhin doono fursadaha waxbarasho ee Soomaaliya la siiyo si ay uga faa’iideystaaan dad badan, isagoo sidoo kale sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan tababarada culumada iyo imaamyada masaajidda.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in Al-Azhar tahay xarun ku caan baxday dhaxdhaxaadnimo iyo fidinta diinta Islaamka isago sheegay inay dadka Soomaaliyeed abaal weyn u hayaan Jaamacadda Al-Azhar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *