Wasiiro ka tirsan Jubbaland oo Jaamacad ka dhagax-dhigay degmada Dhoobleey

Published: August 18, 2021

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa maanta safar saacado kooban qaatay ku gaaray magaalada Dhoobleey.

Wasiir Xuseen ayaa ka qayb-galay Dhagax-dhigga Jaamacadda Kismaayo faraceeda magaalada Dhoobleey, waxaana Safarka ku wehlinayey Madaxweynaha Jaamacadda Kismaayo Dr.Maxamed-weli Cabdi, Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil (Xadhuun).

Ugu danbayn Wasiirka Maaliyadda Jubbaland ayaa ballan qaaday in dhismahan cusub dhamaysrirkiisa garab wayn ka siin doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *