Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka Malaysia

Published: August 18, 2021

Maanta oo Arbaca ah ayey ku egtahay xiliga loo qabtay Baarlamaanka Malaysia inay soo doortaan Raysalwasaare cusub kadib markii uu isniintii lasoo dhaafay xilka iska casilay Raysalwasaarihii hore Muhyiddin Yassin.

Muhyiddin Yassin ayaa xukuumadiisa lagu eedeeyey musuq maasuq iyo inay wax ka qaban weyday faafida caabuqa Covid19 ayaa markuu xilka iska casilayey sheegay inuu waayey kalsoonida inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi.

Boqorka dalka Malaysia Al-Sultan Abdullah ayaa sheegay in Raysalwasaaraha cusub laga rabo inuu marka hore helo codka aqlabiyada xildhibaanada Baarlamaanka.

Xisbiyada Malaysia ayaa xiligan si weyn isugu khilaafsan cida noqon doonta Raysalwasaaraha cusub, iyadoo qaar kamid ah xisbiyada dalkaasi ay si weyn u taageersan yihiin inuu xilkaasi qabto Ismail Sabri oo ahaa Raysalwasaare kuxigeenka iyo Wasiirkii Difaaca ee xukuumada Raysalwasaare Yassin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *