Dib u dhac ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Published: August 19, 2021

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo qorshuhu ahaa in uuu maanta oo khamiis ah ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid.

sababaha keenay dib u dhaca shirka ayaa loo aaneynayaa Madaxda Dowlad goboleedyada oo aan weli soo gaarin magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku maqan safar dibadda ah.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa qaarkood lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Muqdisho iyadoona dhanka kalena la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu dalka dib ugu soo laabto.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa looga arinsanayaa waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii doorasho ee ay gaareen madaxda iyo caqabadaha weli u baahan in la xaliyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *