Dagaalo ka dhacay Burkina Faso oo ay ku dhinteen dad badan

Published: August 19, 2021

Ugu yaraan 100 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalo Arbacadii shalay ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen kolonyo gawaari waday dad shacabka iyo ciidamada dowlada oo marayey duleedka magaalada Gorgadji oo u dhaw xaduuda ay wadaagaan dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger.

Weerarka kooxdan ayaa la sheegay in lagu dilay 47 qof oo ay ku jireen 25 shacab ah iyo askartii dowlada ee la socday gaadiidkaasi.

Wasiirka Warfaafinta dowlada Burkina Faso oo weerarkan xaqiijiyey ayaa sheegay in ciidamada dowlada oo halkaas gurmad ku tagay ay dileen 58 kamid ah argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *