Imaaraadka oo magangelyo siisay Madaxweynihii Afghanistan

Published: August 19, 2021

Ashraf Ghani oo markii ugu horeysay khudbad soojeediyey tan iyo markii uu ka baxsaday wadanka Afghanistan ayaa sheegay inuu isaga baxay Kabul si halkaasi uusan uga dhicin dagaal uu dhiig badan ku daato.

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ayaa dhinaca kale beeniyey warar sheegaya inuu horey usii qaatay boorsooyin ay ka buuxaan lacag, arrintaasi oo uu ku tilmaamay dacaayad lagu sumcad dilayo.

Dhinaca kale kooxda Talibanka ee xukunka Afghanistan la wareegtay ayaa kulan la yeelatay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Hamid Karzai iyo Wasiirkii hore ee arrimaha Dibada Abdullah Abdullah.

Madaxweyne Ghani ayaa sheegay inuu isaga soo dhaweenayo wadahadaladan.

Kooxda Talibanka ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo dhisto dowlad loo dhan yahay, isla markaana meesha ka saartay inay dib usoo celin doonaan ficiladii xagjirnimada ahaa oo ay ku xukumi jireen dalkaasi kahor intaan xukunka laga tuurin 2001.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *