Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaaray Muqdisho

Published: August 19, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ujeedka safarka madaxweyne laftagareen ayaa salka ku haya ka qeybgalka Shirka Madasha wadashatiga Qaran oo la qorsheeyay inuu ka furmo maanta magaalada Muqdisho.

Shirkan oo lagu wadey inuu maanta furmo ayaa dib u dhac ku yimid, maadaama ay magaalada ka maqnaayeen madaxda dowlada goboleedyada oo qayb ka ah shirka wadatashiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *