Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Wakiilka UNHCR Ee Soomaaliya

Published: August 19, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la kulmay wakiilka cusub ee hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR usoo magacowday Soomaaliya Magatte Guisse iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo is xogwaraysi ayaa looga hadlay xaaladda Qaxootiga ku nool Puntland, dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo horumarinta Mashaariicda UNHCR ka wado Puntland.

Puntland ayaa waxaa ku sugan kumanaan qaxooti ah oo ka yimid dalalka dariska iyo barakacayaal ku barakacay gudaha Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *