Ruushka oo dib u soo nooleynaya cilaaqaadka uu la lahaa Soomaaliya

Published: August 19, 2021

Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa dib u soo nooleynaya xiriirka Taariikhiga ahaa ee ka dhaxeeyay kadib muddo 30 sano oo uu yaraa cilaaqaadka labada dal.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga dhexe iyo dalalka Afrika ML Bogdanov ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiir ay dowladda Soomaaliya dhawaan u magacowday dalkaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Xiriirka Ruushka dalalka Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika ahna Wasiir Ku -xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ML Bogdanov ayaa qaabilay Xasan Cabdi Daaud kaasoo noqonaya Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ee dalweynaha Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *