Xiliga uu furmayo shirka golaha wadatashiga Qaran oo la shaaciyay

Published: August 19, 2021

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaaciyay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021.

Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay ka hadalka iyo wadatashiga diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Rooble oo safar ugu maqnaa dalka Masar ayaa isla maanta dib ugu soo laabtay dalka iyadoona docda kalena la filayo in madaxda dowlad goboleedyada ee harsan ay beri gaari doonaan Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *