Ciidanka Milatariga iyo Alshabaab oo ku dagaalamay deegaanka Sabiib

Published: August 20, 2021

Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha hoose Cabduqaadir Sheikh  Maxamed Nuur Sidii ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay deegaanada Sabiib iyo caanoole ku dileen in ka badan tobon ka mid ah kooxda Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday fariisimo ay ciidanka ku lahaayeen deegaankaasi.

Guddoomiye sidii waxa uu sheegay in ciimada qarabka ay fashiliyeen isla markaana ay gadiid ka qabsadeen argagaixisada waxaana uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida uusan soo gaareen qasaare balse ay labo askari ka dhaawacmeen.

Ciidanka xoogga dalka ayaa labo jibaaray howl-galada ka dhan argagixisada Al-shabaab waxaana ay gobolada ka wadaan howl-galo ka dhan si dalka looga sifeeyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *