Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Published: August 21, 2021

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo xubno kale.

Axmed Madoobe ayaa ka qeyb galaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee arimaha Doorashooyinka oo ay iskugu imanayaan madaxda madasha wadatashiga si looga arinsado dardar galinta arimaha Doorashooyinka Aqalka sare iyo golaha shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *