Rooble oo Guddi u saaray baarista fal ciidamada AMISOM ay ku dileen dad rayid ah

Published: August 21, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer Wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Ra’iisul wasaare Roobe ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali Karin in la dhibaateeyo muwadiniinta Soomaaliyeed.

“Xaqiiqdii waa arrin fool xun oo aad iyo aad aan uga danqanay hadaan nahay Dowladda Soomaaliyeed, waxaa halkan igu soo booqday Safiirka Dowladda Uganda iyo taliyaha Sector-ka, iyagoo arrintii tacsi iigu yimid halkan, iyagana waan u sheegay, shacabka Soomaaliyeedna waan u sheegayaa waana ku soo celinyaa, marna aqbali meyno, raalina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo geysto, haday tahay ciidamo AMISOM, Haday tahay ciidamado Soomaaliyeed, shacabka Soomaaliyeed waa lama taabtaan, haddi gacan ka gardaran ay wax u geysatana anaga ayaa diyaar ah inaan u istaagno, naloona igmaday inaan xaqooda u istaagno”. Ayuu yiri Rooble.

“Waxaan magacaabay guddiga Wasiiro ah, Wasiirka Amniga, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Cadaaladda oo beri halkan ay kula kulmi doonaan Safiirka iyo Taliska AMISOM, arrintas ayayna ka hadli doonaan, Insha Allah waxaan rabaa in baaritaan lagu sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badana lagu jawaabo, waxna looga qabto, safiirka iyo Taliyahana way ii sheegeen in dadkii falkaasi geystay gacanta lagu hayo, Maxkamadna la saarayo, sidaasi darteed anagana waan dabagaleynaa, wixii ka soo baxana gadaal ayaan idinkala soo sheegeynaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *