Wasaaradda Gaadiidka Oo Ka Hadashay Warar Laga Faafiyey

Published: August 21, 2021

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxba kama ku tilmaamtay amar ka soo baxay Wasaaradda, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan.

“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia” ayaa laga yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaaradda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *