AMISOM oo shaacisay in ay wado baaritaan kusaabsan dhacdadii GOLWEYN

Published: August 22, 2021

Warsaxaafadeed kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayay ku qirteen in ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka ayaa lagu xusay in horaanta Bisha soo socota ay soo gaba gabeyn doonaan baaritaano dhameystiran oo la xiriira falkan balse ay qirayaan jiritaanka dhacdadan lagu waxyeeleeyay dadka rayidka.

Qoraalka ka soo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in ay la kulmeen odayaasha dhaqanka, xubnaha bulshada iyo saraakiisha dowladda, ayna u caddeeyeen inaysan raali ka noqon doonin falal dambiyeedyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay askartooda geystaan isla markaana lala xisaabtami doono askarta ay ku caddaato dilka dadkaasi rayidka ah.

10 kii bishan August ee aynu kuguda jirno ayay ahayd markii kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay dileen dad rayid ah kadib markii dhankooda aywaddada u galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab, halkaasina uu dagaal culus ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *