Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan

Published: August 22, 2021

Ciidamo gadoodsan oo la baxay Badbaadada Hiiraan ayaa la wareegay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.

Ciidankan oo uu hogaaminayo abaanduule hore oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Korneel lagu magacaabo Cabdilaahi Barre Cilmi ayaa kasoo horjeeda safar la sheegay in madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uu ku tagayo magaalada Beledweyne.

Ciidamadan oo ku hubeysan hub iyo gaadiid dagaal ayaa ku andacoonaya in ay taageersan yihiin odayaasha dhaqanka iyo bulshada kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle isla markaana ay talaabo qaadi doonaan hadii madaxweyne Guudlaawe uu safar ku yimaado Beledweyne.

Waxa ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo agagaarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.
ilaa iyo hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *