Puntland oo digniin kasoo saartay Roobab dabaylo wata oo kusoo wajahan Deegaano…

Published: August 22, 2021

Maamulka Gobolka Bari ayaa bulshada faray in muujiyaan feejignaan la xiriirta roobab dabaylo wata oo ku soo wajahan dhul xeebeedka sida saadaasha cimiladu sheegtay.

“Waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto d duunyada”,ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Bari.

“Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.”ayaa intaas loogu daray qoraalka kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari.

Sanadkii hore ayay aheyd markii duufaano iyo Roobab dabaylo wata ay saameyn xooggan ku yeesheen degmada Xaafuun iyo deegaano kale oo ku yaala gobolada Bari iyo Gardafuu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *